Khuburo caalami ah ayaa isugu tagay dalka Zimbabwe si ay uga wada xaajoodaan diir ama aram dhib badan ku haysa beeralayda dalal badan oo Afrikaan ah.
Kulankan oo saddex maalmood ka socon doona magaalada caasimadda ah ee Harare ayaa la isku dayidoonaa in ay ka soo baxaan tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu hakin karo faafitaanka diirta ama cayayaankan dalaga baabi’inaya.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada iyo beeraha ayaa ka digtay in cayayaankan uu horseedi karo cunno yari baaxleh oo ka dhacda gobollo awalba la sii daalaa dhacayay abaaro.
Dhibaatadan cusub ayaa lala xiriiriyay diir nooceeda lagu yaqaanay Ameerika, mana cadda sida ay Afrika ku soo gaaartay