Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tan iyo markii la doortay waxa uu dagan yahay Hotelka Jazeera ee ku yaal agagaarka garoonka Diyaaradaha Muqdisho Ee Aadan Caddde.
Haddaba hadalada ugu badan ee la is waydiinayo ayaa ah goorma ayuu Farmaajo La wareegi doonaa taliska madaxtooyada Soomaaliya.
Haddaba xog hoose oo aan helnay ayaa xaqiijineyso inuu Farmaajo si rasmi ah ula wareegi doono madaxtooyada Villa Soomaaliya maalinta Arbacada ah kuna beegan 15 February 2017 haddii uusan jadwalka wax iska badalin.
Farmaajo ayaa dhawaanahaan ku mashquulsanaa howsha kala guurka oo meesha looga saarayo taliskii Xasan Shiikh Maxamuud iyadoo howshaas loo xilsaaray guddi.
Xasan Shiikh Maxamuud ayaan dhawaan madaxtooyada kusoo wareejiyey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya markaas oo labada madaxweyne laga diiwaangeliyey sawiro taariikhi ah oo uu Xasan ku muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay inuu xilka u baneeyo Farmaajo.