Xildhibaan Ku geeriyooday Muqdisho

0

Xildhibaan Saciid Xasan Geeddi oo ka mid ahaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Saciid Xasan Geeddi ayaa ka mid ahaa xildhibaanada golaha Shacabka.

Xildhibaanka ayaa ka mid ahaa xildhibaanada lagu doortay Magaalada Muqdisho ee kasoo jeeda gobolada Waqooyi.

Saciid Xasan Geeddi ayaa la sheegay in uu maalmihii lasoo dhaafay uu xanuunsanaa.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa ka tacsiyeeyay Geerida xildhibaan Saciid Geeddi.

Waa xildhibaankii labaad oo geeriyooda tan iyo markii lasoo doortay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.