Xalay waxaa Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Siciid Xasan Geeddi oo ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha shacabka ee Soomaaliya.
Xildhibaanka oo maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanayay Muqdisho ayuu Xildhibaan C/Raxmaan Ducaale Beyle inoo sheegay in uu u geeriyooday xanuun ka hayay Wadnaha.
Xildhibaanka Geeriyooday ayaa ka mid aha Xildhibaannada Golaha shacablka ka soo galay Gobolka Awdal,waxaana uu Baarlamaanka ka mid ahaa 10kii Sano ee la soo dhaafay.
Xildhibaan C/Raxmaan Beyle ayaa ka tacsiyadeeyay Geerida Xildhibaan Siciid Xasan Geeddi oo uu sheegay in muddo dheer uu ka mid ahaa golaha shacabka Soomaaliyeed.
Waa Xildhibaankii ugu horreeyay ee geeriyooday tan iyo markii uu furmay kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka Tobanaad ee Golaha shacabka Soomaaliyeed.