Wariye reer Puntland ah oo falanqeeyay hadal kasoo yeeray madaxweyne Gaas.

0

Kan lagu tilmmaamo inuu shahadoyinka dhanka aqoonta ugu horreeyo madaxda dowlad gobolledyada DF hoostega ayan dhagaystay isagoo leh doorashadii xilka Madaxweynaha Soomaaliya 8 2 Muqdisho ka qabsoontay kor u joogto ahaan baan u soo aadnay.

Markii Bosaaso tegayna Cabdiweli Gaas wuu ku celiyey markaas ayaan la yaabay kor u joogto qabka u isticmaalay iyo sida ay tahay oo aad u kala fog . Koru joogto Xilli doorasho badi waxay ka dhacda dalalka dimuqraadiyadoodu curdinka tahay isla markaana waxaa sameeya Ururada ku da’daala, kuwa dhaqaalaha bixiya,kuwo ay saxiibka yihiin dalkay ka qabsoomayso iyo kuwo saamayn ku dhaba ku leh.

Qiimayn iyo dabagal ayay ku sameyaan hufnaanta iyo xalaal noqoshadaas inta badan saamayn ayay ku yeshan marka natiijada lagu dhawaaqayo ku darsadoo doorashoyinkaaasi waa kuwa halka cod iyo halka qof oo looga welwelo ku subasho teenuse aad bay uga duwan tahay.

Dhan kele haddaan ka eegno koru-joogto ma noqdo masuul dowladeed,tusaale ahaan doorashadii Puntland 2014 ayay la macno tahay oo Gudoomiyaha Mudug/Bari intuu wafti badan intuu soo kaxaysto uu yiraahdo koru joogto ahaan ayaan Garoowe ugaga qayb galayna doorashadii xilka Madaxweynaha.

Koru joogto waxa ugu filnaa doorashada guddigii doorashad,anshaxa,danjireyaashii iyo safiiradii beesha caalamka inta badan noocyada Doorasho ee Soomaaliya DF iyo D/gobolleedyada sidano kele ayay kuwan an soo xusay ay uga ahan jireen.

Waxan la sii yaabay Afsomaaligu waa hodane wax keloo oo uu yiraahdo ma waayey “Maddaama aan madasha ahayn oo arrintan aan muddo ka dheer ku soo hawlanayn inaan midhaheeda an ka qayb galno aanna la kullano cida la doorto” sidan aragtiyada waa furnayd iyo siyaabo badan oo kele inuu uga waramo ujeedka safarkiisa Saxaafadda inuusan la hadlin waa yeeli karayey ileen ma khasbayne.

Xilliyadii aan ku jiray barashada Culluumta Saxaafadda ayaa macalimintu waxay mar kasta nagu waanin jireen ka fiirsashada maclluumad kasta oo la baahinayo sababtuna waa boqolaal qof oo ka aqoon badan bad wax gaarsinaysa oo ku dhagaysan,daawan,ama akhrisanaya.

Hogaamiyuhu halkuu jooga mise Madaxweyne Gaas hore waa tuu u yiri Dadka Puntland fakhri iyo Jaahilnima hayse wuxuu rabo ayuu u sheegayo.

Cabdiqani Irbad