WAR DEG DEG:- Al-Shabaab oo Weerar ku qaaday Fariisin ay leeyihiin Ciidanka dowladda

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay xalay Weerar xooggan ay ku qaadeen ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan degaanka Qalimow oo Magaalada Jowhar u jira 30 KM.

Weerarka ayaa dhacay Xalay Saqdii Dhexe.

Dadka kunool degaanka Qalimow ayaa Warbaahinta u sheegay in ay maqlaayeen daryanka Madaafiicda ay isku adeegsanayaan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

Inta la xaqiijiyay ilaa iyo Afar qof ayaa ku dhimatay oo ah labadii dhinac ee dagaalantay dagaalka Xalay ka dhacay Degaanka Qalimow.

Dagaalyahanadii ka tirsanaa Shabaab ee weerarka soo qaaday ayaa la sheegay in ay dib ugu laabteen degaanadii ay kasoo weerar tageen.