TOP+DAAWO SAWIRRO:- Al-shabab oo ciidan cusub ku soo bandhigtay Jilib

0

Xarakada Al-shabaab ayaa Ciidan cusub ku soo bandhigtay Degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe,halkaas oo ay maamulaan xarakada Al-shabaab.

Ciidankan cusub ayey Al-shabaab ku sheegeen in ay ku biirayaan Ciidanka xumaan reebista iyo wanaag farista Al-shabaab oo horay u jiray.

Ciidamkan waxaa ay ku lebbisanyihiin Dhar gaar ah,waxaana ay ka mid noqonayaan Ciidamada Al-shabaab ee Gobolka Jubbada dhexe ee Soomaaliya.

Gobolka Jubbada dhexe waa Gobolka kaliya ee ay Al-shabaab dhamaantiis maamulaan,waxaa ay sidoo kale ka taliyaan qeybo ka mid ah Gobollada bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya.