TOP DHAGEYSO:- Xildhibaanadii Madaxweynaha Galmudug Xilka ka Qaaday oo Fariin adag u diray Madaxweyne Farmaajo

0

Xildhibaanada Maamulka Galmudug ee xil ka qadista ku sameeyey Madaxweynaha Maamulkaas Mudane C/kariin Xuuseen Guuleed ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo inuusan faragalin ku sameynin khilaafka kala dhexeeya Madaxweyne Guuleed

Xildhiaaan Shariif Arwaax oo kamid ah baarlamaanka Maamulka Galmudug islamarkaana kamid ahaa Xildhibaano xil ka qaadis ku sameeyay Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed oo la hadlay idaacada Simba ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in uu dhowro dastuurka Dalka u yaala islamarkaana uu ka dhabeeyo waxyaabihii uu ku dhaartay ee qeybta ka ahaaa in uu aqbalo codsiyada ay usoo jeediyaan Madaxda dalka iyo shacabka Soomaliyeed.

Sidoo kale Xildhibaaan Shariif Arwaax oo kamid ah baarlamanka Maamulka Galmudug ayaa sheegay in aysan dhici doonin in dib loo soo celiyo Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed oo ayaga ay xilka ka tuuureen.

HALKAAN KA DHAGEYSO