Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa maanta waxaa soo gaarey wafti ballaaran oo ka socda dowladda federalka ah ee Soomaaliya.
Waftigaani oo ka soo kicitimay magaalada Muqdisho ayaa gudiga abaaraha Puntland ku wareejiyey aduun lacageed oo gaareya 150,000 kun oo dollarka Maraykanka ah.
Lacagtaani ayaa loogu talagalay in wax loogu qabto dadka ay abaartu saamaysay ee kunool deegaamada Puntland, waxaana ay qayb katahay kaalmada soo gaadhey gudiga abaaraha heer federal.
HALKAAN KA DHAGEYSO