Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa si kulul uga hadlay Heshiiskii hordhaca ahaa ee ay Somaliland iyo Khaatuma ku wada gaareen dalka Jabuuti.
Cabdi Xakiim Cabdulaahi Cumar oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay Khaatuma iyo Somaliland ay joogaan dhul ay leedahay Puntland ,islamarkaana aysan jirin heshiis ay gaari karaan.
Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa weeraray Cali Khaliif Galeyr oo uu sheegay in uusan haysan dad taageersan ,islamarkaana loo diiday dhawaan in uu ka duulo garoonka Magaalada Buuhoodle.
Dastuurka Punland ayuu sheegay in ay ku qoran tahay in ay leeyihiin qeybo ka mid ah dhulka Somaliland.
HALKAAN KA DHAGEYSO