Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi maxamed ayaa kulan la qaatay Madaxda Ruggta Ganacsiga Soomaaliyeed , waxaana uu kala hadlay sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen gurmadka loo sameynayo dadka ay Saameeyeen Abaaraha.
Madaxweynaha ayaa u sheegay Madaxda Ruggta Ganacsiga Soomaaliya in dalka ay ka jiraan abaaro ba’an , islamarkaana ganacsatada Soomaaliyeed laga rabo in ay muujiyaan doorkooda ku aadan badbaadinta umada Soomaaliyeed.
Agaasimaha Ruggta Ganacsiga Soomaaliya Cabdi Abshir Dhoore ayaa faahfaahin ka bixiyay kulanka ay la qaateen Madaxweynaha , waxaana uu sheegay in ay u muujiyeen in ay taageersan yihiin , ganacsatada Soomaaliyeed ay ka qeyb qaadan doonaan doorkooda ugu aadan gargaarka abaaraha.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Madaxweynaha uu ganacsatada Soomaaliyeed uu ka codsaday in ay sii bixiyaan gargaarka inta dowladda laga soo dhisaayo.
HALKAAN KA DHAGEYSO