TOP DHAGEYSO:- Guddoomiyaha aqalka sare oo u doodaya xuquuqda G.Banaadir

0

Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi,ayaa sheegay in Xubnaha aqalka sare ee dalka ay ka xunyihiin in Gobolka Banaadir uusan matalaad ku lahayn aqalka sare ee Somaliya.

Guddoomiye Xaashi, ayaa sheegay in isaga iyo xubnaha kaleba ay dib ugu laabanayaan soo dhicinta xuquuqda Gobolka Banaadir oo aan xubin ku lahayn aqalka sare ee dalka.

Dastuurka KMG,ah ayaa qoraya in Xildhibaannada aqalka sare ay noqdaan 54 xubnood oo ka kala imanaya 18ka Gobol ee dalka oo uu Gobolkiiba ku leeyahay 3 xubnood.

Maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa aqalka sare ka helay min 11 xubnood iyada oo Galmudug ay heshay 8,halka Maamul Goboleedyada kale ee Koofur Galbeed,Hirshabeelle iyo Jubaland ay heleen min 8 xubnood oo kale.

Guddoomiye Cabdi Xaashi,ayaa waxaa uu dhinaca kale ka hadlay cidda ku simaha madaxweynaha noqoneysa maaddaama hadda dalka uu yeeshay laba aqal iyada oo markii hore uu ku simaha ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka,waxaana uu ku war celiyay in ku simaha uu ahaanayo Guddoonka golaha shacabka Soomaaliyeed,aqalka sarena uu yahay hannaan ku cusub dowladnimada Somaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO