TOOS U DHAGEYSO:- Fariin Cusub oo ku socota Madaxeyne Farmaajo

0

Shacabka ku dhaqan Degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan ayaa maanta dhigay isu soo bax ay ku taageerayeen Madaxweynaha cusube e Somaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Banaanbaxan ayey dadweynaha oo isugu jiray Odayaak,Haween,Dhallinyaro iyo Carruur,waxaa ay Dowladda Madaxweyne Farmaajo ugu direen baaq ku aaddan noloshooda Magaalada.

Qaar ka mid ah Dadkan ayaamadaxweynaha cusub ka codsaday in uu ka saaro go’doon ay sheegeen in ay ku jirto Magaalada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ayaa ka howlgala Hiiraan,waxaa sidoo kale jooga Ciidamo ka socda Itoobiya,inkasta oo ay Ciidanka Itoobiya joogin Buulo Burte.

Magaaladaas waxaa ay Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM  la wareegeen Sanadkii 2014kii,waxaana xilligaas kaddib ay magaalada ku jirtaa go’doon ay saareen Xarakada Al-shabaab.

Dadweynaha maanta isu soo baxay ayaa madaxweynaha cusub ka codsaday in uu ka saaro go’doonka ay ku jirto magaalada ay ku noolyihiin.

HALKAAN KA DHAGEYSO