Qarax laga helay Guri ay deganyihiin dad Soomaaliyeed

0

Wararka naga soo gaaraya dalka Sudan ee gaar ahaan caasimadda dalkaasi ee Khartum ayaa waxaa ay sheegayaan in waxyaabaha Qarxa laga helay Guri ay degan yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed.

Laamaha ammaanka ee Suudaan ayaa helay waxyaabaha bamka laga sameeyo iyo baasabooro ajnabi, ka dib howlgal ay ka sameeyeen markii uu shalay Qarax ka dhacay koonfurta dalkaasi.

Booliisku waxay sheegeen  in nin doonayay in uu rakibo Miino ay ku Qaraxday.

Waxay sheegeen in uu aaday isbitaal si loogu dabiibo, balse uu isaga tagay ka dib markii ay shaqaaluhu diideen in ay daweeyaan iyaga oon la socodsiinin dawladda.

Sidoo kale Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Sudan ayaa waxaa ay sheegayaan in ay jiraan dhalinyaro Soomaaliyeed oo la xiray.