Mareykanka oo "ciidamo dheeraad ah geynaya badda Pacific"

0

Mareykanka, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa dalbaday kullan degdeg ah oo Golaha amniga uu isugu yimaaddo.

Baaqaas ayaa imaanayo ka dib markii Kuuriyada Woqooyi ay tijaabisay gantaal nooca ridada dhexe ah.

Gantaalka oo caag ka sameysnaa ayaa badda Japan lagu riday shalay.

Woqooyiga Kuuriya oo “gantaal tijaabisay”

 

Waxaa la sheegay in gantaalka uu xambaari karo madaxyada Nukliyerka, uuna leeyahay mashiin meel fog gaarsiin karto oo adag.

 

Gantaalka la tijaabiyay ayaa loo maleynayaa inuu noocaan la mid yahay

Beesha caalamka ee xulafada la ah Mareykanka iyo Japan ayaa tijaabadaasi cambaareysay.

War ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in madaxweyne Trump uu ciidamo ku kordhin doono xulafadooda ku sugan badda Pacific-gga.

Ujeedada ayaa lagu sheegay in laga hortagaayo “cadaawadda Kuuriyada Woqooyi”.

Gantaalka ayaa gaaray 500km, wuxuuna ku dhacay badda Japan.

Balse, Koonfurta Kuuriya ayaa sheegtay in qalab cabira ay u dirtay, ayna ogaatay in gantaalka meel intaa ka dheer uu gaari karo.