Munaasabad Ballaaran oo lagu xusayay maalinta Raadiyaha Adduunka iyo Aas aaska ururka Midowga Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Qaar ka mid ah Bahda Warbaahinta ee ku sugan Muqdisho iyo ururada ka shaqeeya arrimaha Saxaafadda.
Munaabadaan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay dad mudda dheer ka soo shaqeynayay warbaahinta Soomaalida, kuwaasi oo halkaasi ku soo bandhigay Taariikho la xiriira warbaahinta.
Maalinta Raadiyaha ayaa ah Maalin ku weyn Adduunka, waxaana Raadiyeyaasha ay ka mid yihiin kuwo sida aadka ah looga dhageysto Adduunka.
Sidoo kale ururka warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA oo ay ku mideesan yihiin warbaahino ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayaa iyana maanta waxa ay ku beegnayd sanad guuradii Afaraad markii la Aas aasay.
Maalinta Raadiyaha Adduunka ayaa loo asteeyay 13-bisha Labaad 2012-kii, waxaan sanad kasta dunida laga xusaa maalintaas.
HALKAAN KA DHAGEYSO