Ka hor doorashii madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabullaahi Farmaajo ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya gaar ahaan kuwooda muqdisho ma jirin waddo laga celin karay inay maraan si kasta oo ay u xiran tahay wadadaaas iyo shaqsi kasta oo loo xiray.
Balse dhawaan Maalintii xigtay doorashada Farmaajo waxaa la arkay qaar kamid ah ciidamada AMISOM oo laga celinayo wadada Aado Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada nabadsugida Soomaaliya.
Wariye kamid ahaa dadkii goobtaas joogay xilligaas ayaa ka diiwaan geliyey sawiro iyo muuqaal muujinayo ciidamada AMISOM oo loo diiday inay maraan jidkaas.
Mid kamid ciidamadii halkaas ku sugnaa ayaa sheegay inay soo dhamaatay awoodii ay ciidamada AMISOM isaga mari jireen Wadooyinka loo xiray arrimo xagga amaanka ah.
Mar aan waydiinay Askarigaan sababta ciidamada AMISOM loogu diiday inay maraan jidkaan ayuu ku sheegay in amar lagu siiyey inaysan cid mari karin jidkaas maadamaa uu meel u dhaw dagan yahay madaxweynaha cusub e Soomaaliya Farmaajo Kadib muran iyo wadahadal badan ciidamada AMISOM ayaa ku qasbanaaday inay wadadaas dib isaga laabtay waxayna mar kale u jiheysteen halkii ay ka imaadeen.
Jidka waxaa sidoo kale laga celinayey dadweynaha iyo siyaasyiin kale oo doonayey inay maraan balse muhiimadda warkaan ayaa ah AMISOM oo arkay iyadoo markii ugu horeysay laga celiyey jid xiran waxaana la xasuustaa inay mararka qaar xoog ku mari jireen.
AMISOM oo jidka Aado Garoonka Diyaaradaha Loo Diiday Inay maraan Dib ayey isaga soo laabteeen
Slået op af Cabaas Xaliye i 12. februar 2017