Bambo gacmeed Khasaare geystay oo xalay ka dhacay Muqdisho

0

Inta la xaqiijiyay 1 qof oo dumar ah ayaa ku Geeriyootay 2 kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii Xalay Bambo Gacmeed lagu Weeraray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Isgoyska KPP ee degmada Hodan.

Dadka ku dhaawacmay Bambo Gacmeedkaasi ayaa waxaa la geeyay isbitaalka digfeer ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada dowladda Soomaaliya khasaaraha gaaray ilaa iyo hadda lama ogga ,laakiin dad goobjoogayaal ah ayaa Risaala u sheegay in jiro khasaare dhaawac ah.

Kooxihii Bambo gacmeedka ku weeraray ciidamada dowladda ayaa goobtay ka baxsaday.

Ciidamada  ayaa la sheegay in ay xabado aad u badan ay fureen ka dib markii lagu tuuray Bambo Gacmeedka.