XASAASI:- Maxaa dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Xildhibaanada Labada Aqal ee ka soo jeeda Beesha Mudulood ?

0

Xildhibaanada Labada Aqal ee ka soo jeeda Beesha Mudulood ayaa waxaa ay kulan Albaabada u xiranaayeen la qaateen Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaana kulankaasi looga hadlay sidii beeshaasi ay u heli laheyd Xilka Ra’isul wasaaraha Cusub ee soomaaliya.

Xubnaha ka socday Beesha Mudulood ee kulanka la qaadatay Farmaajo ayaa gaarayay 16 xubnood, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabelle kaas oo ka dhacay Hoteelka uu degan yahay Madaxweyne Farmaajo.

Dhinacyada ayaa isku raacay Qorsho yaal abdan sida xog hoose aanu ku helnay laakiin Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay xubnaha Beesha Mudulood in uusan weli xilka la wareegin balse marka uu xilka la wareegi ay bilaabaneyso xulashada Ra’isul wasaaraha.

Mid ka mid ah Xubnihii ka qeyb galay Kulanka Beesha Mudulood iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ayaa si hoose inoogu xaqiijiyay in kulamo kale oo aan caadi aheyn lagu balamay kuwaas oo sidoo kale looga hadli doono Maqaamka Gobolka Banaadir.