WAR DEG DEG:- Wafdi Caalami ah oo Maanta Gaaray Kismaayo

0

Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa gaaray Micheal Keating oo ah Wakiilka gaarka ah Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo.

Wafdigan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Ujeedka Wakiilka gaarka ah Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Micheal Keating uu u gaaray Magalaada Kismaayo ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii loo dardar gelin lahaa howlgallada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.

Xarunta Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa uu kula kulmay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Midoobe.