Xildhibaanada labada Gole ee Somaliland ayaa maanta cod Aqlibiyad leh ku ansixiyay heshiiskii Saldhiga Milatari ee Somaliland ay la gashay Imaaraadka carabta.
Xildhibaanada Somaliland oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Hargeysa ayaa tilaabadaan qaaday, waxaana goobta joogay Madax sar sare oo ka tirsan Xukuumadda Soomaliland.
Heshiiskaan ayaa ah Mid ay dowladda Imaaraadka ay doonayso in ay Saldhig ciidan ay kaga dhisato Magaalada Berbera .
Waxgarada iyo sidoo kale qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland ayaa horay u diiday heshiiskaasi oo sheegeen in uu khatar ku yahay Ammaanka Somaliland.