TOP NEWS:- Shir Muhiim u ah Soomaaliya oo Maanta ka furmay Nairobi

0

Shir looga hadlaayo arimaha Canshuuraha Soomaaliya ayaa maanta ka furmay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkaan ayaa looga hadlaya sidii loo  mideyn lahaa hanaanka canshuuraha dalka , waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada Maaliyadda dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale maamul goboleedyada.

Shirkaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Banigiga adduunka.

C/qafaar C/laahi oo ka socday Banigaga adduunka iyo qaar kamid ah xubnaha wasaaradaha maaliyadaha ee  maamul goboleedyada dalka oo hadallo kooban ka jeediyay goobta ayaa si aad ah u soo dhoweeyay shirkan, iyagoo sheegay in wax badan oo dan u ah dadka iyo dalka ay ka soo bixi doonaan.

“ Halkaan waxaan u nimid shir ku saabsan mideynta maaliyadda ee DFS iyo dowlad goboleedyada, waxaa aad looga hadli doonaa sidii loo mideyn lahaa canshuuraha” ayuu yiri C/casiis Maxamuud Xuseen oo ka socday maamul goboleedka Galmudug.

Dhankiisana, Abuukar Sheekh Axmed Mursal oo kamid ah mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in muhiimadda ugu weyn ee shirkan ay tahay sidii loo mideyn lahaa hanaanka canshuuraha dalka.