TOOS U DHAGEYSO:- Dagaal xoogan oo Galgaduud ku dhex maray Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya

0

Wararka aa  ka helayo gobolladda dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal xoogani uu dhex maray ciidamo ka kala tirsan dowladdaha Soomaaliya iyo Ethiopia.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ciidamada Malatariga Soomaaliya qeybta 21-aad ay isku dayeen in ay xidhaan askar kale oo dhowaan ku biirtay Ciidamada Liyuu Booliska dibna ugu soo laabtay degmada Balanbale ee gobolka Galgauud oo dhaca badhtamaha goboladda dhexe ee dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha degmada Balanbale Jaamac Xayle Maxamed ayaa waxa uu sheegay in ugu yaraan 3 Ruux ay ku dhaawacmeen dagaalka dhex maray ciidamada labada dhinac ee Ethiopia iyo Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO