Sarkaal ku dhintay weerarkii gobolka Sh/Hoose iyo Faah faahino ka soo baxaya

0

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa dagaal culus oo u dhaxeyay Ciidanka Dowladda Federaalka iyo Al-Shabaab, kaas oo saakay arioortii ka dhacay degaan lagu magacaabo Warmaxan oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii dagaalyahanada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ay Ciidanka Dowladda ku lahaayeen deegaankaasi.

Inta la xaqiijiyay 8 ruux oo mid ka mid ah ahaa qof madaxa looga jiro ayaa dagaalkaasi ku dhintay iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Maxamed C/laahi Caraaye oo ka mid ah saraakiisha Ciidanka Dowladda Federaalka ee ku sugan goobaha uu Dagaalka ka dhacay ayaa Risaala u sheegay in Dagaalka uu ku dhintay Xuseen Cusmaan Xeyle oo ahaa Abaanduulihii Guutada 6-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Labada dhinac ee halkaasi ku dagaalantay ayaa kala sheegtay guulo, waxaana ilaa iyo hada aanay jirin ilo madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah iyo cida hada gacanta ku heysa halkaasi.