Saraakiisha amniga dalka Ciraaq waxay sheegayaan in qof is miidaamiyay uu ku qarxay xaflad aroos.
Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhimatay qaraxaasi, tira kaloo badanna way ku dhaawacantay.
Xafladda arooska oo ka socotay galbeedka Baqdaad waxaa ka qeybgalay xubno dowladda ka mid ah oo dagaal kula jira ururka la baxay Khilaafada Islaamka.
Qoraal ay Daacish soo saartay waxay ku sheegatay masuuliyadda weerarkaasi.
Laakiin ururka ma uusan xusin arrinta arooska ay qarxiyeen.
Kooxda waxaa dhowaanahan haystay culeys ka dib dullaan ballaaran oo dowladda ay hogaamineyso oo lagu qaaday xaruntooda ugu weyn Ciraaq ee Moosil.