Puntland oo shaacisay Waqtiga la Aasi doono Cadde Muuse

0

Maalinta Taaladada ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Boosaaso lagu Aaso Alle ha naxariiste Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland General Cadde Muuse oo dhawaan ku dhintay dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Cadde Muuse Meydkiisa Talaadada laga soo dejin doono Magaalada Boosaaso ,islamarkaana loo sameyn doono Aas Qaran.

Generaal Cadde Muuse ayaa ka mid ahaa Saraakiishii Ciidankii Xoogga dalka dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

Sidoo kale waxaa uu soo noqday Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland.

Sanadyadii ugu dambeeyay oo uu kunoolaa Magaalada Qardo ayaa waxaa uu ka mid ahaa waxgaradka Nabadda ka shaqeeya.