Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Cali Aadan Najax ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in ay ku jabiyeen Xarakada Al-Shabaab dagaal ay xalay kusoo qaadeen Degaanada Tixsiile iyo War-maxan ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay iska difaaceen Shabaabkii Weerarka soo qaaday , islamarkaana ay khasaare gaarsiiyeen.
Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay Weerar soo qaadeen fariisimo ay lahaayeen ciidanka dowladda.
Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay dagaal kula wareegeen Degaanada Tixsiile iyo War-maxan , islamarkaana ay khasaare badan ay gaarsiiyeen ciidanka dowladda Soomaaliya.
Majiro ilo Madaxbanaan oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay dagaalka Xalay ka dhacay Shabeelaha Hoose.