Waxaa Muqdisho ku sugan tiro badan oo ka mida safiirada Soomaaliya u fadhiyay dalalka dibadda u yimid olole xildoon ah.
Safiiro iyo Qunsulo ayaa hor boodayay ololihii doorashada ee Soomaaliya, arrintaas oo ahayd mid sharci darro ah, waxaase kasii darran in kadib doorashadii madaxweyne Farmaajo ay soo baxeen safiiro aan ku qanacsaneyn xilalkooda, soona cidleeyay shaqooyinkii ay Qaranka u hayeen iyagoo olole ugu jira xilal cusub oo ay ka raadinayaan dowladda cusub.
Liiska safiirada iyo shaqaalaha kale safaaraddaha Soomaalida ee Muqdisho u yimid olole xildoon cusub ah waa mid dheer, waxaana ka dhex muuqa:
1- Yuusuf Garaad Cumar -Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay
2- Jamaal Xasan Maxamed – Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya
3- Siyaad Maxamud Shire – Qunsulka Soomaaliya ee Sacuudiga
4- Thaabit Maxamed Cabdi – Qunsulka iyo safiir ku xigeenka Soomaaliya ee Mareynaka
Qaar ka mida safiiradan waxay ka tirsan yihiin gacanyareyaasha madaxweynaha cusub, waxayna hoos ka wadeen ololihii Farmaajo ee doorashada sida Thaabit Maxamed iyo Siyaad Maxamud.