Iska Hor imaad Sarkaal Dowladda ka tirsanaa uu ku Geeriyooday oo ka dhacay Sh/Hoose

0

Iska Hor’imaadkaan oo u dhexeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Guutada 6aad iyo Dagaalamayaasha Al Shabaab ayaa waxa uu ka dhacay Deegaanka Tixsiile oo hoostaga Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Inta la xaqiijiyay 2 Askari oo mid ka mid ah la sheegay in uu ahaa Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday iyadoona ay jiraan Askar kale oo dagaalkaasi ku dhaawacmay.

Ma cadda Khasaaraha rayidka ka soo gaaray iska hor’imaadkaasi oo ahaa mid aad u xooganaa.

Dagaaladda u dhexeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al Shabaab ayaa ah kuwa ku soo noq noqday Gobolka Shabeelaha Hoose.