Dowladda Kenya oo lagu eedeeyay in ay ku fashilantay dagaalka Al-Shabaab

0

Xisbiyadda Mucaadka ah ee dalka Kenya ayaa dowladda uu hogaamiye Uhuru Kenyatta waxa ay ku eedeeyeen in ay ku fashilantay dagaalka dowladiisa ay kula jirto dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka socda Koonfurta Soomaaliya.

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee dalka Kenya ayaa sheegay in labadii Sano ee lasoo dhaafay ciidamo badan oo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Kenya lagu xasuuqey Weeraro qorsheysan oo ay geysteen dagaalyahanada Ururka Al-Shabaab.

Hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Kenya Raila Odinga ayaa weerar ku qaaday Madaxda dalka Kenya oo uu sheegay in ay soo saaraan warbixino been abuur ah oo lagu Qarinaayo khasaaraha gaara ciidanka Kenya xilliyada Weerarada lagu qaado.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in shacabka kunool Magaalooyin waa weyn ee dalka Kenya ay qorsheynayaan Banaabaxyo ay kaga soo horjeedaan Joojitaanka Ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa Weeraro khasaare badan dhaliyay waxaa ay ku qaadeen xerooyin ciidanka dowladda Kenya ay ku lahaayeen Koonfurta Soomaaliya.

Sida Weerarkii degaanka Ceelcade ee gobolka Gedo oo la sheegay in lagu dilay in ka badan 150 askari oo kenyaan ah iyo sidoo kale Weerarkii Sanadkaan horaantiisa lagu qaaday degaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose.