DHAGEYSO:- Xukuumadda Soomaaliya oo Shaqaalaha dowladda ku amartay iney si dhaqso ah ku soo Xaroodaan

0

Wasiirka Wasaarada Qorsheynta dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Ceynte oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in shaqaalaha dowladda ee Rayidka ah in laga doonayo in ay dib ugu laabtaan goobahooda shaqada.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in golaha Wasiirada dowladda Soomaaliya ay diyaar u yihiin in ay xilka ku wareejiyaan wasiirada cusub ee imaan doona.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in ciidamada dowladda , Diblumaasiyiinta iyo sidoo kale Shaqaalaha dowladda ee Rayid ka ah  in ay dib ugu laabtaan shaqooyinkii ay qaban jireen si loo dardargeliyo howlaha dowladda.

Hoos ka Dhageyso Codka:-