Madaxweynaha Maamulka Khaatuma Cali Khaliif Galeyr oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in maamulada Somaliland iyo Khaatuma in ay gaareen Heshiis horudhaca ah oo ku saabsan wadahalada u dhaxeya labada maamul ee ka socda dalka Jabuuti.
Madaxweynaha Maamulka Khaatuma ayaa sheegay in ay muhiim tahay in lasii wado wadahalada u dhaxeeya Khaatuma iyo Somaliland.
Cali Khaliif Galeyr ayaa sidoo kale sheegay in ay ku heshiiyeen lix qodob oo ay ka mid yihiin in 20-3-2017 Shirkale oo u dhaxeeya Khaatuma iyo Somaliland uu ka furmi doono dalka Jabuuti.
Maamulka Khaatuma ayaa ku dhow in uu ku biiro maamulka Somaliland.
Sidoo kale waxaa jira Maleeshiyaad ku sugan Khaatuma kuwaasoo ka soo horjeeda wadahadalada Khaatuma iyo Somalilad.
Wadahadalada labada maamul ayaa socda in kabadan 1 sano.
Hoos ka Dhageyso Codka:-