Guddoomiyaha Golaha wakiillada Maamulka Somaliland sidoo kalena ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ee Maamulka Somaliland ayaa Xildhibaannada ku jira Golaha wakiilada Somaliland ka codsaday in ay iska diidaan heshiiska ay Xukuumadda Somaliland Saldhig milatari ku siineyso Imaaraadka.
Cirro waxaa uu ku dooday in Saldhigga Imaaraadka laga siinayo Berbera uu horseedayo dhibaato cusub oo dhanka amniga ah oo ay la kulanto Somaliland.
C/Raxmaan Cirro;ayaa sheegay in Imaaraadka haddii ay saldhiggaas dhistaan ay ka wareerari doonaan Xuutuyiinta Yemen,iyagana ay ka jawaabi doonaan.
Berbera iyo yemen ayuu sheegay in ay u dhaxeyso kaliya 90KM,taas oo uu sheegay in Dagaal yahannada Xuutiyiinta ay awoodaan in ay duqeeyaan oo ay Gantaalo ku garaacaan saldhigyada Ciidamada Imaaraadka ee Somaliland,halkaasna uu khasaare ka gaari karayo Somaliland.
Golaha Wakiillada Somaliland ayaa lagu wadaa in ay dhawaan cod u qaadaan heshiis dhexmara Somailland iyo imaaraadka oo Slahdig milatari looga siinayo Berbera.
Hoos ka Dhageyso Codka:-