DAAWO SAWIRADA:-Madaxweyne Farmaajo oo Xalay qaabilay C/laahi Daanyeerow oo ahaa wiilkii ku waashay ii..

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa Xalay Magaalada Muqdisho ku qaabilay ninkii dhalinyarada ahaa, ee suuqa soo geliyay (Ar Farmaajo ii geeya).

C/laahi Maxamuud Cismaan (Daanyeerow) oo ka mid ah dhalinta ku dhaqan Magaalada Jowhar, ayaa habeenkii Arbacada ka qayb qaatay isu soo bax ay dadka reer Jowhar ku soo dhaweynayen guusha uu Madaxweynuhu ka gaaray tartankii doorashada madaxtinimada ee dalka.

C/laahi Maxamuud Cismaan, ayaa ka soo muuqday muuqaal teleefanka gacanta lagu qaaday, laguna baahiyay barraha bulshada, isagoo markaasi ku qaylinaayay (Ar Farmaajo ii geeya) iyo dhalin kale oo ka daba hoorineysay, isla-markaana leh (Waa laguu geynaa).

Dhinacyo kala duwan, ayaa gacan ka gaystay, sidii uu Madaxweynaha Somaliya ku qaabili lahaa C/laahi Maxamuud, waana tallaabo ku haboon hogaaminta dalka iyo dadkuba.

Ninkan dhalinyarada oo beeraley ah, ayaa sheegay in taageero uu u ahaa Madaxweyne Farmaajo, tan iyo markii uu Ra’iisal Wasaare ka ahaa dalka.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa dhinaciisa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu kulan la yeesho mid ka mid ah dadka Somaliyeed, ee taageerada ballaaran u muujiyay.

Oraahda uu suuqa soo geliyay Daanyeerow ee ah (Ar Farmaajo ii geeya), ayaa wax lagu maadeysto ka noqotay barraha bulshada, waxaana laga sameeyay muuqaalo dhawr ah, oo dadku ay ku leeyihiin (Ar Farmaajo ii geeya iyo waa laguu geynaa).

Bulshada Somaliyeed, ayaa dal iyo dibadba dareen xamaasadeysan ku soo dhaweysay Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Madaxweynaha cusub ee la doortay.

Hoos ka Daawo Sawirada:-