DAAWO SAWIRADA:- Axmed Madoobe oo la kulmay Mechael Keating

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qasriga Madaxtooyada kulan kula qaatay Wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Micheal Keating waxaana kulanka ku wehelinayay Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira.

Soo dhawayn ka dib Madaxweynaha iyo Danjiraha Qaramada Midoobay ayaa ka wada hadlay Xaalada uu dalka Soomaaliya marayo gaar ahaan Abaaraha iyo Amniga iyo sidii Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ah ay tageero ula garab istaagi lahayeen Dowlada Cusub ee Soomaaliya.

Inta uu kulanku socday Danjire Micheal Keating ayaa Madaxweynaha Jubbaland uga mahad celiyay sida ay uga go’antahay in la helo Dowlad Soomaaliyeed oo xoog leh isagoo ku booriyay in uu sii wado dadaalkiisa la xiriira Dhismaha Ciidamada iyo Xasilinta Deganada Jubbaland oo uu sheegay in Qaramada Midoobay ay ku garab taagan tahay.

Hoos ka Daawo Sawirada:-