Doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxay kusoo aaday xilli uu khilaaf xoog leh ka taagnaa maamulka Galmdug markii ay iska hor imaadeen inta badan baarlamaanka Galmudug iyo Cabdikariin xuseen Guuleed.
Sida lawada ogyahay baarlamaanka Galmudug ayaa ku dhawaaqay inay xilka ka qaadeen Cabdikariin Xuseen Guuleed sidoo kalana ay dhawaan dooran doonaan madaxweyne cusub.
Hadalkaas iyo khilaafkaas waxaa awood ku maquuninayey madaxweynihii xilka waayey ee Xasan Shiikh Maxamuud kaasoo markii horaba ka dambeeyey inuu Guuleed noqdo madaxweynaha Galmudug xilligaas oo uu dagaal culus la galay Axmed Macalin Fiqi inkastoo markii dambe fiqi lagu goobtay lagana adkaaday taasoo keentay inuu Fiqi dagaal culus ku qaado Xasan Shiikh qeybna ka noqdo dadkii u ololeenayey Farmaajo.
Haddaba Madaxda UNka ee dagan Xalane ayaa guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug ka codsaday inay arrintaan dib u dhigaan inta ay ka dhaceyso doorashada Soomaaliya, dhinaca kalana Xasan iyo kooxdiisa waxay dhaxda u xiran rabeen inay xilka Guuleed badbaadiyaan haddii ay mar kale dib usoo laabtaan Xilka Madaxweynimo.
Sheekada uma dhicin sidii la rabay, welina seefta baalramaanka Galmudug banaanka ayey taalaa, waxaa hadalkiiba gabay Guuleed oo qaadan waayey natiijada kasoo baxday Doorashada Soomaaliya maadaama saaxiibadii uu ku tashanayey hilfaha loo qaaday.
Siyaasad ahaan marka laga hadlayo sii noolashaha xilka Guuleed waa wax aan dhici karin haddii aysan imaan duufaan kale oo aan la ogeyn meesha ay ka imaaneyso sababtoo ah Cabdikariin ma heysto rabitaanka baarlamaanka haddii la dhihi lahaa wuu qanacsan karaa.
Midda taas ka daran waxa waaye inay jiraan siyaasiyiin awood leh oo ay isku beel yihiin kuwaas oo doonay inay xilka ka qaadaan ninkaan haba ugu horeeyaan Xaaf iyo Fiqi.
Marka Laga hadlayo Fiqi wuxuu Cabdikariin u qabaa cadaawad weyn maadaama uu jab weyn u geystay intii ay socotay doorashadii Galmudug markaas oo uu Fiqi ku waayey halkaas lacag badan xilli uu Cabdikariin garab weyn ka helayey Damul Jadiid.
Xaaf waa la ogyahay isna Cabdikariin iyo Damu Jadiid ayaa dhibaato xoog leh ugu geystay Cadaado markii ay habeen Madow ka afduubeen xilkii uu doonayey inuu ka helo baalramaanka matalayo Galmudug ee Kamid noqday dowladda Soomaaliya markaas oo ay guuled iyo Xasan u hiiliyeen Fiqi oo markii dambe noqday Mas ay korsadeen.
Waxaa la dhihi karaa Hadda Cabdikariin Wuxuu ku jiraa xaalad xun sababtoo ah waxaa meel uga soo wada horjeedo Fiqi iyo Xaaf oo labaduba doonayaan inay aarsadaan halka uu waayey aabihiis Xasan Shiikh Maxamuud waxaana maanta furan in loogu yeero (Agoonkii Aabihiis Waayey)!!!.
Dhanka kale haddii si kale sheekada loo fiiriyo, Maamulka Ahlu Sunna ee gobolada dhexe iyo Cabdikariin waxaa ka dhaxeeyo Khilaaf weyn taasoo keentay inuu dhawr jeer dagaal ka dhex dhaco, marka la fiiriyo Farmaajo oo doonayo inuu Ahlu Sunna heshiis la galo isla markaasna midnimada soo celiyo iyo Ahlu Sunna oo ku qancin karin maamulka Guuleed waxaa meeshaas kaaga soo baxaayo inuu Xilkaas weyn doono.
marka aad indha indheeso xaaladda Damu jadiid waxaa ogaaneysaa inay yihiin niman awood lacageed leh oo aysan macquul aheyn inay siyaasadda ka dhex baxaan iyadoo wararka qaar ay sheegayaan inay dhexda u xiran doonaan sidii ay u difaaci lahaayeen Saaxiibkood Guuleed oo meel cidlaa taagan.
Haddaba aan aragno meesha uu kusoo dhamaado mustaqbalka Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ku jiro jahwareerkii ugu weynee ee siyaasi dhex geli lahaa!!!
W/Q: Cabdnuur Feysal Maxamed