AKHRISO:- Wargeysyada Britain oo warbixin cajiiba ka qoray Madaxweyne Farmaajo

0

Warbixin lagu daabacay Wargeyska The Financial Times ee ka soo baxa dalka Britain ayaa waxaa looga hadlay howlaha Qaran ee horyaal Madaxweynaha cusub ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Wargeyska ayaa qoray in Madaxweynaha looga fadhiyo la dagaalanka Musuq­maasuqa, Amniga, Soo nooleynta awooda Qaranka, dhismaha ciidan Qaran, Tayeynta Garsoorka, Cadaalada iyo soo afmeerida Abaaraha ka taagan Somalia.

Waxa uu qoray in Madaxweynaha cusub looga baahan yahay inuu dib usoo celsho Xaaladda Nololeed iyo Ammaanka oo ah dhibta ugu badan oo heysata Soomaalida taa oo la xaqiijiyay in soo celinteeda ay qaadan doonto muddo farabadan.

Wargeyska The Financial Times, ayaa qoray in Madaxweynaha Somalia Farmaajo uu wajahi doono caqabado Siyaasadeed oo kaga imaan doonta dhismaha Dowlada cusub, Shisheeyaha oo naawilaaya inay maamulaan Siyaasada Somalia.

Dhibaatooyinka heysta Somalia ayuu Wargeysku sheegay inay dhalisay in la keeno 20,000 oo Askar Shisheeye ah kuwaa oo shaqo looga dhigay la dagaalanka Al­shabaab.

Wuxuu qoray inaysan Somalia lahayn Ciiddan Qaran, balse ay jiraan Warqado lagu muujiyey Taageero Maaliyadeed oo dhan Billions Dollar, iyadoo ay ahayd inay dagaalkaasi qaadaan Ciiddanka Dowladda, halkii Maleeshiyo Beeleed la hawl gelin lahaa.

Wuxuu qoray in Awood La’aanta Dowladda Dhexe keentay inaysan ka hawl­gelin qeybo badan oo ka mid ah dalka, iyadoo Goballaddii ugu waa weynaa ee dalka, sida Somaliland ku dhawaaqeen inay ka go’een Dowadda Dhexe sannadkii 1991­kii.

Wargeysku waxa uu qoray in dhibaatada heysata Somalia ay ugu weyn tahay Garsoor la’aanta, waxa uuna arrin adag ku sheegay in Somalia ay hesho Garsoor lagu diirsan karo.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa waxaa horyaal Caqabado badan oo u baahan xalin, waxa ayna taa suuragalinkartaa inuu lumiyo kalsoonida shacabiga.

 

Docda kale, Wargeyska oo xiganaaya diplomaasiyiinta ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo dhibaato kala kulmi karin xakamaynta hamiga danaha Khaaska.