XOG CUSUB OO RASMI AH:- Ganacsade aan la fileyn oo isu soo sharxay xilka Ra’isal Wasaaraha

0

Mid ka mida musharixiintii xilka madaxweynaha oo ah ganacsade ayaa si aan la fileyn isu soo sharxay xilka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Musharax C/llaahi Cali Maxamed (Caddow Cali Gees) oo hore ugu tartamay xilka madaxweynaha ayaa bilaabay olole uu ku doonay in loo magacaabo Ra’iisal wasaare, wuxuuna kulan la qaatay xalay madaxweynaha cusub Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Caddow Cali Gees oo dhinaca kale ah xildhibaan ka tirsan Baaralmaanka ayaa la sheegay inuu odayaal ka tirsan beeshiisa iyo isaga ay madaxweyne Farmaajo ka dalbadeen inuu jagada Ra’iisal wasaaraha u magacaabo musharaxan oo hore codkiisa ugu taageeray Farmaajo.

Musharaxan oo ay isku beel kasoo wada jeedaan Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dagaal siyaasadeed oo aan hore loo arag la arag ku qaaday Xasan Sheekh ayaa la aaminsan yahay inuu qeyb ku lahaa guuldraddii madaxweynihii hore, laakiin dhinaca kale waxaa aad u yar rajadiisa in xilka Ra’iisal wasaaraha loo magacaabo arrimo badan oo danihiisa ganacsi ay ka mid yihiin dartood.