Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Magaaladaasi ka la xiran tay kaddib markii ay saaka suuqa kala qeybiya magaalada ka dhacday rasaas kooban oo aan khasaare geysan.
Maleeshiyaad ka soo kala jeeda labada dhinac ayeey dhexmartay rasaas kooban oo aysan khasaare ka dhalan,waxaana kadib dhacday in ay soo laabato Qadkii Cagaarnaa ee Magaalada kala xiray muddo ka badan 25 Sano,kaas oo khamiistii un la qaaday.
Dadka labada dhinac ee Gaalkacyo ayaa waxaa ay Khamiistii fureen Waddooyinkii kala xirnaa ee waqooyiga iyo Koofurta Magaalada Gaalkacyo iyaga oo soo dhaweynaayay doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
Waxaana hadda mar kale dib u xirmay magaaladii la isu furay Khamiistii la soo dhaafay,taas oo ay dad badan ka xumaadeen.
Ganacsatada Suuqa Gaalkacyo ayaa ka xumaaday arinta saaka ka dhacday Gaalkacyo,iyada oo khamiistii ay dadka magaalada iyo maamulka labada dhinacba si wadajir ah u tageen qeyb kasta oo ka mid ah magaaaladaas.
Magaalada Gaalkacyo oo u kala qaybsan maamulada Galmudug iyo Puntland, ayaa xaaladeeda waxa ay tahay mid dadka maanta ay hadal hayaan xirnaanshaha wadooyinka oo dib loo soo celiyay.