Turjumaan dalxiisayaasha u been turjumay oo la Xiray

0

Dar Es Salaam: Dalka Tanzania waxaa lagu xiray Nin iska dhigi jiray Turjumaan rasmi ah,kaas oo dalxiisayaasha ku badan dalkaas u turjumay hadal aysan dhihin.

Ninkan oo luuqadda Sawaaxiliga ku hadla ayaa Dalxiisayaasha ku badan Tnaznia u turjumi jiray hadallada ku saabsan dalka Tanzania iyo waxa uu ku wanaagsan yahay,waxaana uu marka ay Dalxiisayaasha u hadlaan si togan u beddeli jiray si taban.

Jaffari Mohammed,oo ka mid ah Taliyayaasha Booliska Tanzania ayaa sheegay in Ninkan oo qalday Dalxiisayaal badan oo uu u been turjumay.

Jacfari,waxaa uu sheegay in Xukunka Ninkan uu noqonayo $1,300 oo Doollarka Mareykanka ah iyo 3 bilood oo xabsi ah,xeerkan ayaana la meel mariyay 2015kii.

Muuqaal ka mid ah kuwa been turjumidda ah ee uu sameeyay oo lagu baahiyay baraha Bulshada ayaa waxaa ay dhexmartay isaga iyo Gabar Dalxiis ahayd,waxaana dhexmartay sheekadan,xariggiisa sababtay.

Dalxiisadda: “waan idin salaamay,dalxiiskeyga Tanzania aad baan uga helay,waana quruxbadan tahay Tanzania,Dadkiinna waa kuwo sxbtinimo fiican,aad u yaab badan oo dhulkiinnana aad ayuu u qurux badanyahay”.

Been Turjume: “Dadkiina Tanzaaniyanka ah waad cabaneysaan,waad ooyeysaan,baahi ayaad la ooyeysaan,maalin waiba Baahi ayaad la ooyeysaan,idinka oo Ubaxyo ku heysta Gurigiinna,maad karsataan oo cuntaan kana sameysataan Cabitaan oo cabtaan?,ma fiican in lala ooyo lalana cawdo baahi darted”.

Dalxiisadda: “Dadka iyo Xayawaannada ku nool Tanzania aad ayey cajiib u yihiin,weyna adag tahay in laga helo meel kale oo ka mid ah Dunida,waxaan dhihi karaa waa mucjiso idin gaar ah”.

Been Turjume: “waxaad weydiisaneysaan Madaxweynihiinna in uu cunto idin kaariyo,ma waxaad u maleysaan in Madaxweynihiinna yahay Cunto Kariye?,marka waxaad rabtaan in uu dharkana idin sameeyo?”.

Dalxiisadda: “waxaan qibrad ka qaadan doonaa qaabka noloshiinna,aad beey u qurux badan tahay,layaab badan tahay oo aan ka helayba”.

Been Turjume: ” ku mashquul waddankiinna gees kasta,Madaxweynaha kama soo bixi karo madaxtooyada si uu cunto idinkugu kariyo,waa in aan naftiinn a u karsataan cuntada oo aadan madaxweynaha ka sugin”.

Ninkan magaciisa waa ay qariyeen Booliska waxaana ay sheegeen in uu wajahayo sharciga dalkaasi,waxaana soo xiriddiisa amartay Wasaaradda Dalxiiska ee Tanzania.