TOP NEWS:- Madaxweyne Farmaajo oo go’aan lama filaan ah ka qaadanaya joogitaanka Ciidamada Itoobiya iyo Kenya

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa qorsheynaya sidii ciidamada dalalka Kenya iyo Itoobiya looga saari lahaa Dalka.

Xog lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu saraakiisha AMISOM iyo QM ku wargeliyay in ciidamada Amisom ee ka socda dalalka Uganda iyo Burundi lasoo kordhiyo isla markaana kuwa Kenya & Itoobiya dalka laga saaro.

Qorshahan oo la filayo inuu madaxweynuhu ku dhawaaqo marka uu soo magacaabo Ra’isul wasaare cusub ayaa sidoo kale waxaa uu kala hadli doonaa taliyaasha Amisom in sida ugu dhaqsiyaha badan amarkiisa loo fuliyo.

Dowladaha Kenya iyo Itoobiya ayaa ah dowladaha danaha gaarka ah ka leh Soomaaliya kuwaas oo ciidamo gaar ah usoo diray.

Kenya ayaa ciidamadeeda ugu badan waxaa ay ku sugan yihiin Jubbooyinka, halka Itoobiyaanka ugu badan ay ku sugan yihiin Koofur Galbeed iyo Hiiraan.