Maryan Qaasim oo beenisay hadal ay Warbaahinta Soomaalida sheegtay, kana soo horjeesatay go’aanka ah..

0

Wasiiradii hore ee Dr. Maryan Qaasim ayaa hadalkaas ku sheegtay twitter -keeda ka dib marki dad badan ay baraha bulshada soo dhigeen iney ku habiibtayay Xisbiga TAYO, oo ay isla  ahaayeen Madaxweynaha, iyadoo ay waliba Guddoomiye ka ahayd.

Hadal qoraal oo ay Drs. Maryan Qaasim soo dhigtay Barteeda Twitterka ayey ku sheegtay inaysan Somalia xilligan diyaar u ahayn in Ra’isul-wasaare loo magacaabo Haweeney ka soo jeeda Dadka laga tiro badan yahay.

Waxay intaasi ku dartay inay dadaal u geli doonan sidii ay awoodooda isugu geyn lahaayeen sidii ay Madaxweyne Farmaajo.u taageeri lahaayeen.

Drs. Maryan Qaasim Axmed waxay horey u soo qabatay Xilalka Wasiirnimo ee Caafimaadka, Waxbarashadda, Dhallinyarada iyo Sport-ga, iyo Arrimaha Qoyska ee Dowladdii KMG iyo Dowladda Federalka.