Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika oo war qoraal ah kasoo saaray doorashii Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed ayaa sheegay in ay tahay Doorashadaasi Guul u soo hoyatay dhammaan umada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika ayaa qiray in doorashadii lagu doortay Farmaajo in ay aheyd mid ku dhacday si caddaalad ah, islamarkaana ay la shaqeyn doonaan dowladda cusub.
Jacob Zuma ayaa Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya ugu baaqay in uu ka shaqeeyo sidii Soomaaliya ay ku gaari laheyd Nabad iyo Horumar.
Sidoo kale Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayuu uga mahadceliyay sida wanaagsan ee uu ku aqbalay Natiijadii Doorashada.
Sikastaba Hadalka kasoo baxay Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa kusoo beegmaya xilli dalkaasi dhac iyo dil joogta ah loogu geysto dadka Soomaaliyeed , islamarkaana Madaxweyne Farmaajo laga rabo in uu arintaasi kala hadlo Madaxda Koonfur Afrika.