DHAGEYSO:- Gaari Weyn oo siday qalabka laga sameeyo Walxaha qarxa oo la qabtay

0

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ciidamada amaanku ay gacanta ku dhigeen Gaari Waaraad ah oo la sheegay inuu siday Qalabka laga sameeyo Qaraxyada.

Gaarigan ayaa Ciidamada Amaanku ay sheegeen in la doonayey kooxaha qaraxyada diyaariya ay ku dhibaateenayaan shacabka sida ay sheegeen laamaha amniga gobolka Mudug.

Sarkaal ka tirsan Ciidamadii Hawlgalkaasi ku qabtay Qaraxa oo magaciisa ka gabsaday ayaa sheegay inay Baartaano ay wadaan kuwaas oo lagu doonayo cida uu u shaqaynayey gaariga.

Sarkaalkan ka tirsan ciidamada difaaca Puntland ayaa sidoo kale wuxuu sheegay inay hayaan Macluumaad kale oo ku aadan Qaraxyadan balse dawlada dhexe ay ku wareejiyeen.

Qaraxan ayaa lagu qabtay agaagaarka Xabsiga Weyn ee degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Qaraxan Qabashadiisa ayaa kusoo aadaysa iyadoo ilaa shalay si rasmi ah ay u furnayd isku socod magalada Gaalkacyo kadibna maanta dib loo xiray.

Hoos ka Dhageyso Codka:-