DHAGEYSO:- Wasiir Sacad “ Ma jiro Heshiis Rasmi ah oo aan la galnay Dowladda Imaaraadka Carabta”..

0

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in aysan jirin wax heshiis ah oo ay la galeen Dowladda Imaaraadka Carabta e ku aadan Saldhiga Millatari ee laga dhisayo Magaalada Barbera.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in weli uusan jirin heshiis dhex maray labada dhex ee Somaliland iyo Dowladda imaaraadka Carabta.

Wasiirka Arrimaha dibada Maamulka Somaliland Sacad Cali Shirre ayaa sheegay in Somaliland ay taqaano danteeda isla markaana aysan jirin wax heshiis ah oo ay kala saxiixdeen dowladda Imaaraadka Carabta.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha dibada Maamulka Somaliland Sacad Cali Shirre ayaa faah faahin ka bixiyay Wafdi Wasiiro ah uu isaga hogaaminayo oo kulamo kula soo qaatay Masuuliyiinta Dowladda Itoobiya.

Waxa uuna sheegay in wax badan ay ka wada hadleen isla markaana ay rajeynayaan in dowladda Itoobiya ay taageero dhinac walbo siiso Maamulka Somaliland.

Hoos ka Dhageyso Codka:-