DHAGEYSO:- Kulamo lagu raadinaayo xilka Ra’iisul Wasaaraha oo bilowday

0

Kulamo lagu raadinayo xilka Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa ka bilowday Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa shaqada koowaad ee laga rabo waxaa ay tahay in uu soo magacaabo Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya , kuwaa soo hogaamin doona xukuumada Soo socota.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo kala duwan oo siyaasiyiinta iyo waxgaradka Beelaha Soomaaliyeed ee lagu rajo weyn yahay in ay helaan Ra’iisulwasaaraha ay wadaan.

Sidoo kale Siyaasiyiin dhowr ah ayaa siyaabo kala duwan Muqdisho ugu kulmay , kuwaa soo qoondareynaya xilka Ra’iisulwasaaraha.

Waxaa jira xubno dhowr ah oo kasoo qeyb qaatay Ololaha Madaxweyne Farmaajo, kuwaasoo hadda rabitaankoodu uu yahay helida xilka Wasiirka koowaad ee xukuumadda.

Hoos ka Dhageyso Codka:-