DHAGEYSO:- Golaha Wasiirada Soomaaliya oo soo dhaweeyay Madaxweynaha Cusub

0

Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho, Waxa ayna ka hadleen waxyaabihii ay ku guuleysteen in ay qabtaan 2 sano ka dib markii Xilka loo dhaariyay Maanta oo kale sanadkii 2015.

Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay doorashadii ka dhacday Dalka iyo sida loo doortay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Kulanka ayaa sidoo kale waxa ay kaga hadleen doorka ay ku lahaayeen doorashadii Guddoonka Baarlamanka ee labada golle.

Kulanka ka dib ayaa waxaa Warbaahinta la hadlay Wasiirka Qorsheynta C/raxmaan Caynte Waxa uuna ka warbixiyay waxyaabaha kale oo ka shireen golaha Wasiirada.

Waxa uuna sheegay in ay diyaar u yihiin in ay sii shaqeeyaan inta laga dhisayo Xukuumad Cusub isla markaana ay la shaqeyn doonaan Madaxweynaha Cusub.

Hoos ka Dhageyso Codka:-