Ahlu Sunnada Gobolada Koonfureed oo sheegtay ciidankooda inay ku wareejinayaan dowladda cusub ee Farmaajo

0

Ahlu Sunnada Gobolada Koonfureed ka dagaalanta ayaa sheegay inay wareejinayaan ciidamadooda, maadaama dalka loo doortay hogaan cusub oo isbedel muuqda ku keeni kara dalka iyo dadka.

Sheekh Isxaaq Xuseen Mursal ( Geesadheere ) Xoghayaha Gaashaandhiga Ahlusunna oo siyaabo kala duwan ula hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin sidii ciidamadooda ay ugu wareejin lahaayeen Madaxweynaha cusub.

Xoogaga Ahlu Sunna ee Gobolada Koonfureed ayaa haysta ciidan badan oo qayb ka ahaa sanado badan la dagaalanka Ururka Al Shabaab, dowladihii dalka soo marayna kama aysan helin daryeel wanaagsan.

“Waxaan diyaar u nahay in ciidankeena aan ku wareejino dowlada cusub, maadaama Somali ay israacday, islamarkaana la soo wada dhaweeyay Madaxweynaha cusub ee Farmaajo.” Ayuu yiri Xoghayaha dhanka Gaashaandhiga Ahlu Sunna.

Doorashada Farmaajo ayaa waxa ay ku sheegeen maadaama ay tahay mid shacabka Somaliyed ay ku wada farxeen in dhankooda ay ka raacayaan isbedelka wanaagsan ee dalka ku yimid.

Madaxweynaha cusub ee Somaliya ayaa si weyn looga soo dhaweeyay guud ahaan gayiga Somaliya, dadkana waxa ay dareemeen wadaninimo, maadaama hogaan wanaagsan dalka loo doortay.