Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan afar iyo labaatan saacadood kadib doorashadii Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya waxaa si degdeg u bilowday ololaha loogu jiro xilka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Xilkan oo ah mid uu awoodeeda leeyahay madaxweynaha inuu magacaabo waxaa awood qeybsi ahaan hadda u sheegay beesha Hawiye kadib markii Maxamed C/llaahi Farmaajo ku guuleystay xilka madaxweynaha.
Odayaal iyo waxgarad ka socda beesha Habargidir ayaa ugu horeeyay oo kulan ay la qaateen madaxweyne Farmaajo uga dalbaday inuu shaqsi ka soo jeeda beeshood u magacaabo xilka Wasiirka koowaad ee dalka, iyagoo sabab uga dhigay arrimo badan oo isbedelka dalka ka dhacay ka mid yahay iyo xiriirka u dhaxeeya beesha uu madaxweynaha kasoo jeed iyo beeshooda.
Beesha Muddoolood ayaa iyana wada olole ay ku dooneyso in qof beeshaasi ka soo jeeda loo magacaabo xilkan, waxaana socda shirar ku saabsan arrintan oo ku saabsan sidii xilkaasi dhinacooda u mari lahaa.
Dhinaca kale Beesha kale ee Murusade ayaa iyaduna markii ugu horeysay soo bandhigtay damaceeda ku saabsan in qof kasoo jeeda beeshan uu helo xilka Ra’iisal wasaaraha, waxaana jira musharixiin ka soo jeeda beeshasi oo dadaal cusub bilaabay.
Isku soo wada duuboo Waxaa la aaminsan yahay in xilka R/wasaaraha uu yahay arrinta ugu culus ee hor taala Madaxweyne Farmaajo iyadoo qofka loo magacaabo uu noqon karo furaha guusha dowladda Farmaajo.