Maxkamada Racfaanka San Faransisco oo diiday racfaanka Madaxweyne Donald Trump

0

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa markale waxaa ka horyimid maxkamad ku taal dalkiisa taasoo diiday racfaan uu ka qaatay go’aan ay hore u gaartay maxkamada Washington.

Dib u dhicii ugu dambeeyay ee arrimaha sharciga ayuu Madaxweyne Trump kala kulmay Maxkamada federaalka darajada sagaalaad ee racfaanka Mareykanka taasoo diiday in amarkii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu uga mamnuucay qaxootiga iyo muwaadiniinta kasoo jeeda 7 wadan oo ka mid ah dalalka Islaamka ineey soo galaan Mareykanka.

Guddi ka koobnaa sadex garsoore oo ka tirsan Maxkamada federaaliga ee Racfaanka ee magaalada San Francisco ayaa si wada jir ah u diiday racfaan ay Waaxda Caddaalada Mareykanka ka qaadatay todobaadki hore go,aanki garsooraha maxkamada Seattle James Robart uu ku hakiyey g,aankii madaxweynaha.

Hadal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka oo kaga jawaabay go,aanka maxkamadda, ayuu madaxweyne Trump ku yiri:”Waxaan isku arki doonnaa maxkamada, amniga wadankeena wuxuu ku jiraa khatar,”Waxa kale oo uu sheegay in ugu danbeyntii uu maamulkiisa kuguuleysan doono kiiska.

Dhanka kalana, xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada gobolka Washington, Bob Ferguson ayaa shir jaraa,id oo uu ku qabtay magaalada Seattle wuxuu ku sheegay in Mareykanka uu yahay dal leh sharci, qaanuunkana uu qabto dhamaan dadka oo dhan oo uu ku jiro madaxweynaha.

Is jiid-jiidka ka dhex jira Maxkamada dalka Maraykanka iyo Madaxweyne Trump ayaa waxaa ka faa’ideystay boqolaal ruux kuwaasoo laga joojiyay dalka Maraykanka kadib markii uu soo baxay sharciga ka mamnuucaya 7 dal oo Islaam ah.